FARAX MACALLIN: “MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA WAA IN LA MARIYAA WADDADII CABDI ILEY”

by admin | Sunday, Sep 16, 2018 | 919 views

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Farax Macallin ayaa sheegay in Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay yihiin Agoonta Maamulkii Tigreeda ee dalka Itoobiya.

Faarax oo bartiisa Twitter-ka ku qoray qoraal uu kaga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed uu xilka ka qaaday taliyayaashii Ciidanka Itoobiya ee ku jira AMISOM kuwaas oo xiriir lalahaa AL-shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda ay soo hareen Hoggaamiyayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo taageero ka heli jiray Dowladdii hore ee Itoobiya.

 

Faarax ayaa sheegay in Madaxeynayaasha dowlad Goboleedyada ay tahay mid uun in ay sameeyaan oo ah in ay taageeraan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ama ay ku dambeeyaan halka la mariyay Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida.

Like it? Share it!

Leave A Response