Fardowsa Cigaal: “Qorshe waxa aan wadnaa in aan sameyno habraac lagu maamuli karo Mooto Bajaajta”.

by admin | Sunday, Mar 19, 2023 | 251 views

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada XFS Fardawsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in Wasaaraddeeda oo kaashaneysa Maamulka Gobolka Banaadir ay ku howlan tahay diyaarinta Habraac lagu maamulayo Mootada nooca loo yaqaan Bajaajta.

Fardowsa waxa ay sheegtay in ku dhowaad 40,000 (Afartan kun) oo Mooto Bajaaj ah ay ka shaqeeyaan Magaalada Muqdisho isla markaana shaqo abuur u tahay dhalinyarada kaxeysa iyada oo ay ku tiirsan yihiin qoysas badan.

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada XFS ayaa shaacisay in qorshahaan uu yahay mid lagu xakameyn karo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajta iyaga qudhoodana looga nabadgalayo waa sida ay  hadalka u dhigtay.

“Gobolka Banaadir & Wasaaradda Gaadiidka waxa ay wadnaa qorshe ah in habraac Bajaajta lagu maamuli karo oo iyagana si nabad ah Magaalada uga shaqeyn karaan, waa loo baahan yahay in la yareeyo oo la xakameeyo loona sameeyo nidaam, waxa aan rabnaa in aan ogaano Dadka wada Da’dooda, Mas’uuliyaddooda, qofka iska leh oo xogtiisa la haayo & hubinta guud in uu waddo sax ah ku shaqeynayo waxaana rajeyneynaa in mardhow aan soo bandhigno haddii alle idmo” Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada XFS.

Wasiir Fardowsa oo sii hadashay ayaa sheegtay in Wasaaradda Gaadiidka & Hawada XFS ay ku howlan tahay garab istaagga dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo abuurka u tahay Mooto Bajaajta balse marna aanay laga maarmin in ay yeeshaan nidaam xaq siinaya kana xakameynaya dhibaatooyinka loo geysto iyo kuwa ay geystaan.

Like it? Share it!

Leave A Response