Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka

by admin | Thursday, May 13, 2021 | 343 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib martiqaad uu kaga qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka Uganda Mudane yoweri Museveni.
Farmaajo oo Magaalada Kampala waxaa uu uga qeyeb galay munaasabadda Caleem-saarka Madaxweynaha dalka Uganda yoweri Museveni oo markii lixaad xilka loo dhaariyay, waxaana Garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha ayaa intii uu Kambaala ku sugnaa waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka, Madaxweynaha Uganda yoweri Museveni iyo Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response