Farmaajo oo guddoomay Farriin kaga timid dhigiisa Masar

by admin | Thursday, Jul 4, 2019 | 823 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay dhihgiisa Dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Siisi hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya.

Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Masar shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa sidoo kale ku amray Xoghayaha Madaxtooyada Masar in uu Safaaradda Soomaaliya uu kala qeyb qaato farxadda iyo dabbaal degyada sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Mudane Cabdifataax Al-Siisi bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna.

 

Like it? Share it!

Leave A Response