Farmajow Riyada Runta ah dhabaheeda raadi

by admin | Wednesday, Jul 25, 2018 | 1084 views

Farmaajow Riyada Runta ah Dhabaheeda Raadi qaladkii hore ha raad raacin ogow in laga dhaxley dhibaato iyo Dhiig Sokeeye oo ilaa iyo hada laga kabsan la yahay.     Waxaan kuu sheegeya in aad ka fogaatid maamul Goboleed xaran ah oo ku yimid caburin iyo Taangi Kenyati iyo Taangi Tigree uu lahaa sidoo kale in aad Raacdid Raadkii kuwii kaa horeyey oo ahaa Doorka dadka Soomaaliyeed in daqada laga Saaro oo xil loo dhiibo wax ma garato aan ogeyn Halka loo socdo iyo halka Geediga loo yahay.      Waxaan kugu taagyereyney oo aan ku moodeyney xiligii Raisul wasaraha aheyd Dulmigii lagugu Sameyey in aad dulmiga dhibka uu leeyahay kubdareentey oo aad ka damqaneysid dulmiga wadanka ka dhacey xiligii Gumeystaha ka danbeyey.      Waxaan kaloo kuu cadeyneyaa hadii aad qumantahay oo aadan qandhasneyn waxaad wadahadal u furi lahey wax garadka Soomaaliyeed oo in mudo ah laga Dulboodayey ee lala shirayey ama lala ta shanaayey Odeyal dhuuni raac ah oo kaba qabiil isku magacaabo oo dadka iyo dalka aan dan ka laheyn.    Waxaad ogaataa hadii Ruuxa uu doonayo midnimo iyo nabad geliyo ay ka sahlantahay biyaha la cabo oo aan marnaba dhib laheyn sida naftu ay ugu bahantahay Biyaha ayaa Ruuxkasta uu ugu bahan yahay Nabadgeliyo Cadalad midnimo.    Waxaan halkan tusaale kaga soo qadanayaa Ruxa markuu Run wato habenka koowaad markuu madaxnoqdo oo ku go aan sado inuu Cadalad Sameyon Rabiga ayaa Samada ka ogolaada oo subaxiina markuu ku dhawaaqo dhulka iyo Umada ku dhaqan wey ka Raali noqdaan ee fiiri Tusaale Abey Ahmed oo ka dhashey Qabiilka ugu tirada badan ee Ethopia oo dadkiisa mililik ilaa maamulkii ugu danbeyey la gumaadayey markuu ku dhawaaqo maalmo yer markuu madax ahaa nabad iyo midnimo xitaa waxaa ka raali noqdey wadankii deriska la ahaa ee colaada gaamirtey ka dhaxeysey.     Tusaale mr mandela markii xabsiga ka soo baxey oo madax ka noqdey aargoosi ma raadin gumaadna kuma dhawaqin qabiilkiisana garab uma raadin midnimo iyo nabdgeliyo.  Furha midnimada iyo nabad keliyada waa Runkasheegid hadalkada ficliyan iyo in Umada la wada hadashid si aad u ogaatid rabitaankooda iyo qaladkaada. Wabilahi Towfiq

Like it? Share it!

Leave A Response