Faysal Cali Waraabe” Farmaajo iyo Kheyre ha laga qabto dhulka Soomaaliyeed

by admin | Wednesday, May 8, 2019 | 939 views

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah Ucid ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu doonaayo in uu qabyaaladeeyo Shirkaddaha qaada Xujeyda Soomaaliyeed.

Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay dhibaato ku hayaan umadda Soomaaliyeed oo ay doonayaan in Xujeyda ay qaadaan Shirkado ay leeyihiin Shaqsiyaad ay isku beel yihiin.

Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay in maanta Mas’uuliyiinta dowladda ay siyaasadeeyaan dadka Soomaaliyeed ee Xajka aadiya,isagoo beesha Caalamka ugu baaqay in dhulka Soomaaliyeed laga qabto Kheyre iyo Farmaajo.

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu joojiyo gacan tukaaleynta uu ku haayo Xujeyda ee ku aadan Shirkaddaha qaadaya.

Like it? Share it!

Leave A Response