Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Oo Digniin U Diray Ninka Aan Weligii Laga Badinin Ee Floyd Mayweather

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 1038 views

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa kaddib guushii weynayd ee uu ka gaadhay ninkii aflagaadeeyey diinta Islaamka ee Conor McGregor, waxa uu dalbaday inuu la ciyaaro ninka aan weligii dhinaciisa dhulka la dhigin ee Floyd Mayweather oo u dhashay waddanka Maraykanka.

Khabib ayaa waxa uu tilmaamay in uu doonayo in uu la ciyaaro qof kasta oo kasoo badiyey ninka uu sida xun u bahdilay ee Conor McGregor, isla markaana uu kusoo guuleysto halkii lagaga badiyey McGregor, si uu u tuso inuu yahay libaax aanay cidi soo garab istaagi karin.

Khabib oo ay da’diisu tahay 30 jir, toddobaadkii horena wareeggii afraad ku garaacay McGregor oo maalmo ka hor aflagaaddo u geystay Diinta Islaamka ayaa waxa uu tibaaxay inuu doonayo inuu la ciyaaro Floyd Mayweather oo ay da’diisu tahay 41 jir, hase yeeshee 50 jeer oo uu feedhtamay aan hal mar laga badinin.

Khabib oo naf ahaantiisa aan laga badinin 27 jeer oo uu ciyaaray, ayaa inkasta oo lagu riday ganaax uu xayndaabka ciyaaraha feedhka iyo legdinta kaga maqnaanayo muddo, haddana waxa uu sii ballansaday Floyd Mayweather oo sannadkii hore ciyaar lacag badan laga helay ku karbaashay McGregor wareeggii 10-aad.

“Waa ina kaa Floyd, waa inaynu hadda dagaallano.” Sidaas ayuu yidhi Khabib oo bartiisa bulshada ee Instagram soo dhigay muuqaal isaga oo ay is ag-fadhiyaan Leonard Ellerbe oo ah agaasimaha iibka ee ciyaaraha feedhka uu gelayo Mayweather.

Khabib waxa uu ku dooday in Mayweather uu wareeggii 10-aad kaga badiyey McGregor laakiin uu isagu wareeggii afraad ku khaarajiyey, taasina caddayn u tahay inuu Mayweather na ka badin doono, waxaanu yidhi: “Dabcan aniga ayaa ah boqorka sababtoo ah si fudud wuu ka badin kari waayey McGregor aniguna markiiba waan ugu tuuray.”

Khabib waxa kale oo uu isku tilmaamay inuu yahay boqorka xilligan ee feedhka, waxaanu yidhi: “Duurka waxa jooga hal boqor oo kaliya, anagana midkaayo ayaa noqon”

 

 

balse ogow laf kaa wayn iyo nin kaa waayo aragsanba way ku jabiyaane, ku darsoo waxaa kula jiray hiilkii ilaahay iyo kii ummada islaamka ahba waxaana ku saaciday ilaahay ka sakow cadhadii iyo ficilkii aad ka qaaday aflagaadadii iyo caydii loo gaystay diintaada ehelkaaga iyo wadankaagaba, waxaanse kuu rajaynaynaa guul mar walba oo aad ciyaarto inaad guulaysato ilaahayna ku mahadiso.

Like it? Share it!

Leave A Response