FESOJ oo cambaareysay xirista Tifaftiraha iyo xaruntii taleefishinka Horncable ee Hargeysa

by admin | Tuesday, Nov 19, 2019 | 606 views

Ururka Saxafiyiinta Federalka FESOJ ayaa cambaareeyay xarig loo geystey tifaftirihii taleefishinka Horncable iyo xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa.

Xariga tifafritaha Horncable Cabdqaadir Codey iyo xaruntaba waxaa u xaqiijiyay FESOJ agaasimaha tvga Horncable Maxamed Cabdi Ilig.

Lama oga sababta loo xirey xarunta Tvga iyo weliba tifaftiraheeda hase yeeshee waxaa ay ku soo beegantay xilli magaalada Hargeysa ay ka jirto xiisad ka dhalatay banaanbax uu dalbaday guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Xoghayaha guud ee FESOJ Maxamed Ibraahin Nur ayaa ku baaqay si shuruurd la’aan ah in lagu sii daayo weriye Codey isla markaana loo fasaxo xarunta Horncable ee magaalada Hargeysa in howlihiisii si caadi ah u gudato.

“Go’aanka lagu joojiyay howlaha Horncable Tv waa mid si cad ugaga soo horjeedo xoriyada saxaafada waxayna marag madoonto u tahay sida maamulka Somaliland uu u doonayo in uu ku aamusiyo warbaahinta xorta ah,”ayuu yiri Xoghayaha guud ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Maamulka Somaliland ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo saxafiyiinta lixdii bilood ee la soo dhaafay,waxaana haatan ay marti u yihiin ururka FESOJ illaa saddex weriye oo ka soo cararay caburinta saxafiyiinta ee maamulka Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response