FESOJ; WAXAY SO DHAWEYNAYSA XEERKA WARBAAHINTA QARANKA EE GOLAHA SHACABKU U MEEL-MARIYAY.

by admin | Saturday, Jul 13, 2019 | 772 views

Urur-ka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, wuxuu so dhaweynayaa Xeerka Warbaahinta Qaranka ee ay dhawaan ansixiyeen Aqalka hoose ee Soomaaliya ,wuxuuse wali uu qabaa in xeerka ay ku jiraan sharuudo ciqaabeed aan wali ku xirnayn Heerarka Caalamiga ah, waxaana Aqalka Sare ee Soomaaliya ka codsanayaan in inta yar ee hartay in laga saaro inta aan Madaxweynaha lo gudbin, saxiixisa kadibna aanan lagu so saarin Faafin rasmi ah.

FESOJ, waxay u mahadcelinaysaa Guddiga Warfaafinta, Wacyigalinta, Dhaqanka,Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka oo Wariyaasha Soomaaliyeed siiyay fursad weyn oo ay ku so gudbiyeen qodobaddii ay ka cabanayeen iyo habab ay kula socdeen Geedi socodka Xeerkan oo wax laga badalay ilaa 16 Qodob oo ay ku jireen qodobadii ugu waaweyna ee warbaahintu ay ka biyo diid-sanayd.

Dhaqan-galka Xeerka Warbaahin Qaran, wuxuu Muhiim u yahay Saxaafadda soomaaliyeed oo uu damaanad-qaadayo Madax-banaanidooda, isagoo ka duulaya qodobka 18aad ee Dastuurka KMG ah iyo heshiisyadda caalammiga ah, wuxuuna koloo xoojinayaa waxbarashada, cilmiga, dhaqanka afka, nabadda, xasiloonida, wadajirka iyo isjecaylka dadweynaha, isagoo sidoo kale, nadaaminaya, hagaya, hormarinaya Warbaahinta Anshax, farsamo iyo aqoon ahaan’ba.

Ujeedooyinka xeerka warbaahinta waa: 1 – Dejinta mabaadi’da siyaasadeed iyo sharci ee hagaya warbaahinta; 2 – Hormarinta,dhowrista iyo ixtiraamka xorriyadda hadalka iyo kala duwanaashaha warbaahinta; 3 – Dhiirri-gelinta warbaahinta gaarka ah iyo tan guud oo leh hal-abuur xaqiiqada ku salaysan; 4- Horumarinta dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta iyo horumarinta u isticmaalka adeegsiga teknoolojiyadda; iyo Dhiirri-gelinta iyo dammaanad qaadka jiritaanka qaybaha kala duwan ee warbaahinta si waafaqsan Sharciga.

Sidoo kale, Xoriyadda iyo xurmadda uu xeerkani siinayo warbaahinta waddaniga ah, mid la mid ah ayuu siiynayaa warbaahinta iyo weriyeyaasha shisheeye ee ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Xeerkan wuxuu kaloo nidaaminayaa qaabka ay u wada shaqeynayaan Wasaaradda Warfaafinta, Golaha Warbaahinta, ururrada Warbaahinta dalka, Wariyeyaasha iyo inta ay khusayso Warbaahinta ayadoo la dhowrayo sharciga iyo anshaxa suuban.

Dhinaca kale, Dhaqan-galka Xeeranka waxaa ka dhalan-doono Gole Madax-bannaan oo aqoon u leh Warbaahinta iyo shuruucda dalka u yaal, kuwaaso ka kooban sagaal Xubood, kana kala socda, Warbaahinta Dawladda 3 xubnood, Warbaahinta gaarka ah 3 xubnood Ururrada bulshada rayidka ah:- 3 xubnood oo ka kala imaanaya: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Ururka Haweenka iyo Ururka Qareennada Soomaaliyeed, waana mid ka madax-banaan Siyaasad iyo faro-gelin dawladeed. Danaha hey’adaha iyo kooxaha gaarka ah.

Golaha warbaahinta shaqadiisa ugu weyna waxay noqon-doonta Ilaalinta anshaxa Wariyeyaasha ka shaqeeya Warbaahinta iyo ku dhaqanka xeerka Wabaahinta, Xallinta khilaafaadka ka dhasha ku dhaqanka xeerkan, Dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo Warbaahinta dawladda iyo tan gaarka, Abaalmarinta iyo anshax marinta Wariyeyaasha,

Ugu Danbayntii, Xeer iyo sharci waxaa lo sameystaa in uu kala xadeeyo Xadadka qaynuuniga ah ay kala leeyihiin Dhinacyadda uu xeer ka dhaxeeyo, Sidaas darteed FESOJ waxay Codsanaysa in marka meelaha ay walaaca ka qabto uu Aqalka sare xaliyo in Xeerkan deg deg lo dhaqan-galiyo, lagana wada-shaqeeyo sidii dhinac waliba u dhowri lahaa.

Gudoomiyaha Ururka Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, Abaadir Cabdulqaadir Cilmi

 

Like it? Share it!

Leave A Response