FIFA Oo Gebi Ahaanba Ciyaaraha Ka Mamnuucday Dal Ku Yaalla Afrika & Kenya Iyo Ethiopia Oo Ku Faraxsan

by admin | Saturday, Oct 6, 2018 | 960 views

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa guud ahaanba ka joojiyey ciyaaraha caalamiga dalka ku yaalla qaaradda Afrika ee Sierre Leone oo lagu eedeeyey in dawladdu soo farogelisay xidhiidhka kubadda cagta dalkaas.

Xayiraaddan ayaa timid markii guddida la-dagaallanka musuqmaasuqa dalkaas ee ACC ay shaqada ka joojiyeen laba sarkaal oo ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ee magaciisa loosoo gaabiyo SLFA.

War-saxaafadeed kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in xayiraaddu saarnaan doonto doonto illaa xidhiidhka kubaddu cagta dalkaasi uu ka xaqiijinayo inuu dib u helay madax-bannaanidiisa, xisaabaadkiisa iyo dhamaan maamulkiisa oo madax bannaan.

Haddii aan xayiraaddan la qaadin inta ka horreysa 11-ka bishan October, waxa halis gelaysa rajadii Sierre Leone ee kaqaybgalka Koobka Qaramada Afrika ee 2019 oo isreeb-reebka ay waddamadu soo ciyaarayaan toddobaadka dambe, iyadoo kulanka dalkaasina qorshaysnaa 15 October.

Sierra Leone ayaa ku jirta group F oo ay ku wehelinayaan Ethiopa iyo Kenya, kuwaas oo ganaaxani uu u yahay fursad ay ugu soo gudbi karaan wareegga labaad ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response