Fu’aan Shongole oo beeniyay in la dilay

by admin | Thursday, Aug 4, 2022 | 414 views

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool usbuucii hore.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.

Codka ayuu ku xusay dagaalkii ka dhacay 30-kii Juulaay magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda weli ka hadlin warkaan kasoo yeeray Fu’ad Shongole oo kamid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, iyada oo degaannadii lagu dagaalamay xaaladooda ay tahay mid degan.

Like it? Share it!

Leave A Response