Gaadiid lacago lagu soo rogay oo ka xayiran Gobalka Hiiraan

by admin | Thursday, Feb 28, 2019 | 926 views

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in Gaadiidkii ugu badnaa ay maanta ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalkaasi.Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka ayaa u sheegay   warbaahinta  in dhibaato badan ay ku qabaan isticmaala wadada xiriirisa Magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay, kadib markii lagu soo kordhay darawalada ay bixiyaan lacag dheeri, taasi oo keentay in ay walaac ka muujiyaan.

Amarkan ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay maamulka ugu sareeya ee Maamulka Gobalka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response