Gabar Foolxumadeeda darteed Walidiinteeda magdhow ka rabta(Warbixin)

by admin | Sunday, Sep 16, 2018 | 851 views

Haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka oo lagu magacabo Annabelle Jefferson oo 44 sano jir ah ayaa kiis ka dhan ah walidiinta u gudbisay maxkamada ku taala gobalka California  kadib markii sida ay sheegtay ay dhaleen iyadoo fool xun.

Mss.Jefferson ayaa aaminsan in walidiinta ay masuul ka yihiin muqaalkeeda aan farxada galinayn taas oo sababay in mudo 3 jeer ah la soo furo .

“Labadayda waalid aad ayay u fool xunyihiin, waana cadowtinimo iyagoo sidaas ah in ay ciyaal dhalaa ” sidaasi waxaaa tiri Annabelle Jefferson .

HaweenaydaN Maraykanka ah ayaa hadA qorshaynaysa in kiis ay ka furto maxkamada iyadoo doonaysa in lacag magdhow ah oo garaysa 2 million laga siiyo walidinteeda ay ku eedaysay in ay sabab uyihiin fool xumadeeda iyo furiinada ay lakulmaysaba.

Mss. Annabelle aya dhanka kale ugu baaqday dowlada Maraykanka in ay qaado talaabo ay ku xakamaynayso in dadka foosha xun ay ubad dhalaan.

Furiinada isxigxigay ee gabadhu la kulantay!

Ninkaygii iigu horeeyay ee guursaday waxa ay isku fureen maxkamada horteeda, isagoo garsooraha maxkamada u sheegay in markauu arkay wajigayga uu dareemo murugo, uuna ku cararo suuliga , si uu ugu soo mataqo ama hunqaaco.

Ninkaygi Labaad ayaa markaan isguursanayna waxa uu la’aa aragiisa boqolkiiba afartan kadib markii dambe waxaa lagu sameeyay indho fiiqis taas oo u suurtagalisay in uu helo aragiisa oo dhamaystiran, balse nasiib daro waa uu ifuray todobaad kadib ayay tiri gabadhu.

Mss. Annabelle Jefferson ayaa hada wado ollale ay ku abaabulayso dadka foosha xun ee Maraykanka ku nool si ay dacwado ka dhan ah walidiintooda ay uga furtaan maxkamadaha Dalkaasi .

Dhanka kale Sanadkii 2012 ayaa nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Jian Feng waxa uu kiis ka dhan ah foolxumada xaaskiisa iyo cunigiisaba u gudbiyay maxkamad ku taala dalkaasi , isagoo ku edeeyay xaaskiisa in 100,000 kun oo dollar ay ku bixisay qaliin lagu soo sameeyay dalka koonfurta Kuuriya iyadoo doonaysa in ay isqurxiso, dhanka kale waxa uu sidoo kale ku eedeyay in ay dhashay cunug aad u fool xun.

Ugu dambayn garsooraha Maxkamada ayaa ninkan Shineeska ah u xukumay in magdhow ahaan ay u siiso xaaskiisa  $120,000 oo dollar.

Like it? Share it!

Leave A Response