Gabar lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya

by admin | Thursday, Jul 26, 2018 | 1071 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya isgoyska EX-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, askari ka tirsan ciidanka Minishiibiyada ayaa galabta ku toogtay gabar maqaaxi Shaaha lagu iibiyo halkaasi ku laheyd.

warkan waxaa u xaqiijiyay   warbahinta  dad goobjoogayaal ah, waxayna sheegeen kahor inta uusan dilka dhicin in labadooda ay wada murmeen, kadibna ay xigtay rasaas uu furay askariga.

Askariga ayaa rasaasta uu furay waxa ay gabadha kaga dhacday qeybta sare ee jirkeeda, taasi oo sababtay in ay isla goobta ku geeriyooto, sidaasi waxaa inoo sheegay qaar ka tirsan ehelada Marxuumada la dilay oo halkaasi tagay.

Gacan ku dhiiglaha dilka geystay ayaa isku dayay inuu ka baxsado goobta, balse waxaa durbadiiba qabtay ciidamada ammaanka oo halkaasi aanan ka fogeyn.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen in askariga dilka geystay loo kaxeeyay saldhiga degmada Dharkeynley, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response