Galmudug & AMISOM oo ka wada hadlay sugida amniga Goobaha ay ka dhacayan doorashooyinka

by admin | Monday, Sep 27, 2021 | 280 views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Gamludug, Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta ku soo dhaweeyay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Magalada  Dhuusamareeb Korneyl  Xasan Jaamac Farax oo ah Taliyaha   Ciidamada Amisom ee Sectir 4 , kaas oo u dhashay dalka Jabuuti &  Saraakiil kale ee lasocotay.

Soo dhaweynta kadib  kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa waxaa lagu gorfeeyay doorka Ciidamada AMISOM ee degaannada Galmudug jooga iyo sidii amniga loo sii xoojin lahaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in kulanka looga hadlay sidii loo dardar gelin laha sugida amniga Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka dhacayan doorashooyinka labada Aqal ee Aqalka Sare & Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Dhammaan qodobadii laga wadahadlay ayaa la isla soo dhaweeyay waxaana la isla qaatay in si dhow loo wada shaqeeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response