Galmudug oo beenisay in xubno ka tirsan Shabaab xabsiga laga siidaayay

by admin | Saturday, May 9, 2020 | 467 views

Gashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin Taliyaha Ciidanka booliska Galmudug ayaa si cad u beeniyay hadalkii taliyaha Ciidanka Booliska Dhuusamareeb ee ku aadana in taliska uu xabsiga ka sii daayay xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay laga doonaayo taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Dhuusamareeb Cadeymo ku aadan Warka uu warbaahinta la wadaagay ee ku aadan in Al-Shabaab xabsiga laga sii daayay.

Waxaa uu sidoo kale in taliska Galmudug uu dagaal kula jira Al-Shabaab, islamarkaana aysan suurtigali karin ruux Shabaab ah xabsiga laga sii daayo.

Taliyihii Booliiska Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqey in uu iska casilay Xilkii uu hayay

Dhamme Burhaan Axmed ayaa is casilaadiisa ku sabeebeyey Shaqsiyaad ku eedeysan dambiyo kala duwan Xabsiga Dhuusamareeb ay kasii daayeen saraakiisha Sare ee Booliiska Galmudug.

Waxaa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay xireen dhowr qof oo ahaa Shabakado isku xariira, islamarkaana dadkaasi xabsiga laga siidaayay xilli ay ku socotay baaris.

Like it? Share it!

Leave A Response