Galmudug oo sheegtay in Guulo laga gaaray howgallada ka socda Gobolka Mudug.

by admin | Thursday, Jul 22, 2021 | 293 views

Madaxtooyada Galmudug ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalada ka socda deegaanada Mudug, iy dagaalka dhex-maray Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab.
War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guul laga soo hoyay, isla markaana Ciidamada Ammaanka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa guluf dagaal ku qaadeen Al-Shabaab, iyagoo ka saaray deegaano iyo tuulooyin dhowr ah.

“Howlgallada ayaa ahaa kuwo guul lagu gaaray si aan uga xoreynay Al-Shabaab Saldhigyo muhiim ah, 20-kii Bishaan Luulyo duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday koonfurta gobolka mudug halkaas oo ay iskaga kaashadeen ciidamada XDS, ciidamada Kumaandooska ee Danab iyadoo ciidamada Galmudug ay hadda dagaal kula jiraan Al-shabaab, waxaana Ujeedada duqeynta ay aheyd in la ilaaliyo ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah oo ku wajahan cadawga weeraradana si guul leh ayaa loo qabtay maadaama aysan waxyeelo soo gaartay dad rayid ah.
Sidoo kale Galmudug ayaa sheegtay in Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed macalin Fiqi kaas oo hadda ku sugan jiida hore ay ka go’an tahay sii wadida howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo hubiyo Amnigamuwaadiniinta loogana hortago weerarada Al-Shabaab.
In ka badan laba todobaad ayaa howlgallo iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab waxaa ay ka socdeen Koonfurta Gobolka Mudug, waxana la sheegay in lala wareegay degaano dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response