Galmudug oo wadda isku day xooggan oo ay kula wareegayso Ceelbuur

by admin | Wednesday, Mar 22, 2023 | 199 views

Maamulka Galmudug ayaa wada diyaargarowga howlgal ka dhan ah Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, iyada oo hore Al-shabaab looga saaray deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle.

Masuuliyiinta maamul ayaa sheegay inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ay doonayaan in dowladdu si buuxda ula waregto degmadaasi iyo degmooyinka kale eek u xeeran.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale oo Wareysi siiyay VOA da ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Ciidamo frabadan oo ay ku qabsanayaan degmadaasi.

Horay guluf ay horkacaysay Dowladda Soomaaliya ayaa la isku dayay kaasi oo lagula waregayo degmadaaasi,balse wax natiijo ah kama soo bxiin isku daygaas.

Like it? Share it!

Leave A Response