Ganacsatadda Qaadka Kenya oo dowladda Soomaaliya cabasho ka ah

by admin | Tuesday, Jul 7, 2020 | 450 views

Qaar ka mid ah Ganacsatada khaadka ama jaadka dalka Kenya ayaa cabasho ka ah dowladda Soomaaliya ka dib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarad siday jaad oo kusii jeeday Magaalada Hargeysa, islamarkaana ay khasaareen lacag badan .

Ganacsatadda ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay siday  13.6 tan , islamarkaan ay khasaareen ka dib markii diyaaraddaasi hawadda laga soo celiyay maalintii sabtida aheyd.

Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso.

“Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya.

 

Cabashada ganacsatda jaadka ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xilli dhawaan magaalaad Hargeysa ay tageen wafdi ka socday dowladda Kenya iyo ganacsato uu hogaaminayay xildhibaan Junet Maxamed.

Like it? Share it!

Leave A Response