Ganacsato ku banaanbaxeysa magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 899 views

Ganacsatada ku ganacsan jirtay suuqa kalluunka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhigayaan banaanbax cabasho ah.

Banaanbaxan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ganacsatadan loo diiday inay ku ganacsadaan suuqaasi, islamarkaana lagu wareejiyay ganacsato gaar ah oo sida la sheegay halkaasi ka dhisanaya Hotel.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo ku qeylinaya ereyo ka dhan ah dowladda ayaa waxa ay isugu soo baxeen wadada isku xirta Liido ilaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxayna gaadiidka iyo mootooyinka u diidayaan inay maraan wadadaasi.

Dadkan ayaa kuu sheegaya in aysan heysan meel ay ku ganacsadaan marba hadii laga xiray suuqa, islamarkaana ay dowladda federaalka Soomaaliya ka sugayaan inay arrintan ka hadasho.

Like it? Share it!

Leave A Response