Ganacsato lagu xirxiray magaalada Jowhar oo ku eedeysan in ay taageeraan Al-shabaab

by admin | Tuesday, Jan 22, 2019 | 859 views

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in howlgal xalay halkaa ka sameeyeen ciidamada Amaanka lagu soo qab qabtay ganacsato ku eedeysan in ay taageeraan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa howlgalkoodii xalay ku soo xiray xiray ku dhawaad 10 nin oo ganacsato ah oo ay sheegeen in ay lacago ay siiyeen Al-Shabaab.

Xariga ganacsatada ayaa imanaya xili maalintii shalay Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu warbaahinta u sheegay in dhammaan ganacsatada dalka ay ururka Al-Shabaab ka qaadaan lacago baad ah.

Gancasatada magaalada Jowhar ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo beegsado iyaga oo kaliya madaama sida ay hadalka u dhigeen dowladda ka war qabto in ganacsatada dalka oo idil bixiyaan lacagaha la siiyo Al-shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa ku soo rogay ganacsatada sisinta iyo weliba ganacsatada xoolaha suuqyada magaalada Jowhar iyadoo si caadi ay ganacsatadu u bixinayeen bilihii la soo dhaafay lacagaha uu ururku ku soo rogay.

Like it? Share it!

Leave A Response