Ganacsiga Magaalada Beledweyne oo xirmay & fatahaada oo korortay

by admin | Tuesday, May 19, 2020 | 629 views

Dadka weli ku haray Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ee aan barakicin ayaa waxaa ay ka hadleen saameynta uu ku reebay fatahada uu Wabiga Shabelele la geystay Xaafadaha Magaalada.

Wabiga ayaa ku fatahay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne,sida Xaawa taako, Kooshin, dhagax-jebis iyo Kuntiimbo,waxaana dadka ay hoy ka dhigteen Guryo xooshado ka sameysay oo ku yaalla deegaanka Ceel-jaae ee duleedka Magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah dadka ku nool Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in saameyn ballaarn uu ku yeeshay fatahaadaaha sanadkiiba tira laba jeer ah kusoo laab laabtay Magaalada Beledweyne,kaa soo sababay barakacay boqolaal Ruux.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in saameynta ugu daran ay tahay in wax Ganacsi ah uusan ka jirin Magaalada Beleweyne,sidoo kale dadka deegaanka Ceel-Jaale u barakacay ay heysato dhibaato biyo la’aaneed oo deeganka ka jirta.

Like it? Share it!

Leave A Response