Gawaari aan xabadaha karin iyo Ilaalada mid ka mid ah Musharaxiinta Koofur Galbeed oo gaaray Baydhabo

by admin | Monday, Oct 22, 2018 | 846 views

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in maalintii shalay ay ka degtay diyaarad qaas ah oo siday baabuur aan xabadaha karin iyo Ciidamo Ilaalo u ah Mid ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Diyaaradan oo shalay ka baxday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay horudhac u tahay Musharax ka mid ah kuwa ugu cad cad xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in gawaarida aan xabadaha karin iyo Ciidamada ay hordhac u yihiin Musharax ay taageereyso dowladda Federaalka.

Ilo ku dhow dhow magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in baabuurta aan xabadaha karin ay u socotay Wasiirka Tamarta C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, inkastoo aanu weli ku dhawaaqin.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa C/casiis Lafta Gareen uu todobaadkan tagi doono magaalada Baydhabo, kuna dhawaaqi doono Musharaxnimadiisa.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa inay dhacdo 17-ka bisha November ee soo socota, iyadoo la magacaabay Guddigii diyaarin lahaa doorashada dhici doonta.

Like it? Share it!

Leave A Response