GEELLE oo sheegay sabab yaab leh oo ku qasabtay inuu is-sharxo mar 5-aad

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 373 views

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxaya xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa’aansaday inuu ka qeybgala tartankii markii shanaad ka dib “codsi uga yimid shacabka”.
Geelle oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dadkiisa ay ku “khasbayaan” inuu u tartama doorashada madaxtinnimada dhaceysa 23 April. Waxa uu awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanaddii 1999-kii.
Waa la igu khasbayaa
“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu “gaboobay”, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada.
Billooyinkii dahwaa waxaa dalka Jabuuti ka dhacayay dibadbaxyo naadir ah oo lagu diidanaa xukunka iyo siyaaasadaha dowladiisa.
Xoogagga ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay is hortaageen dibadbaxyo isbuucyadii la so dhaafay lagu diidanaa in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.
Diyaargarowga doorashada
Wakhtiga ka dama beysta ee diwanagelinta musharrixiinta ayaa ah 10 -ka bishan March oo ku aadan Arbacada soo socoto. Balse in badan oo ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada April oo ay ku tilmaameen riwaayad.
Ma jira guddi madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha.
Mucaaradka ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka.
Madaxwene Geelle ayaa eeeyntaasi ku gacanseyray.
“Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa arrimahaasi(doorashooyinka) ka shaqeysa. Guddi madax banaanna wuu jiray, wuuna jiri doonaa. Heshiiska nimankaas iyaga uun ayaa ka baxay. Mar alaale iyo markay dareemeen in aanay waxay rabaan u suuroobeynin ayay durbaan qaataan oo ay meel walba ka qeyliyaan. Doorashada marka la gaara uunbaa la arkaa.. Sidaasna wax laguma helo”, ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed ayaa sheegay in qeybinta kaararka codbixinta oo billaabatay 25-kii February ay “si wanagsan u socoto” siina socon doonto ilaa iyo 8-da April.

Like it? Share it!

Leave A Response