Gen. Gorod Ciidamadii Arbushaada ka sameeyay Golaha Shacabka waan soo qabanay”

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 932 views

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ka hadlay dhacdadii shalay ee xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay markii hore in balanka uu ahaa inaanay ciidan gelin gudaha xarunta Golaha Shacabka, balse ay galeen shalay xarunta Ciidan hubeysan oo aanan la ogeyn.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa markii ay arintaasi ka war heleen ku baxay oo tagay xarunta, waxayna ciidamada ka codsadeen in halkaasi ka soo baxaan, balse ay ka dhega furesteen.

Wuxuu tilmaamay inaanay jirin wax talaabo ah oo xilligaasi ay ka qaadeen ciidamada, maadaama la ilaalinayay amniga guud, sharafka Baarlamaanka iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay kulan deg deg ah yeesheen oo ay yiraahdaan Baarlamaanka wuu baaqday, si nabad ahna markii dambe xarunta looga soo saaray, si aysan u dhicin arbushaad xilligaasi dhacda.

Gen. Gorod ayaa xusay in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamadii amar diidada sameeyay, kuwa kelana weli ay maqan yihiin, isaga oo xusay in ay xogta ku heleen ciidamo kale oo Maleeshiyaad ah in ay ciidanka xoogga ku soo dhex dhuunteen, kuwaasina lagu daba jiro.

“Wararka aan helnay waxay sheegayaan inay jiraan Ciidamo kale oo aan ka mid aheyn Ciidanka Qalabka Sida oo laga yaabo inay ku gambadeen Ciidanka, iyaggana waan oggaaneynaa, waana soo qabaneynaa, hadda arrinta si nabad ah ayey ku dhammaatay, xasilooni ayaa jirta, wax dhibaato ah ma jirto, ciddii isku dayda inay ka boodaan sharuucda dalka tallaabo fiican oo munaasib ku ah ayaa laga qaadi doonaan”. Ayuu mar kale yiri  Gen Gorod.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shalay gelinkii dambe warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudaha xarunta Golaha Shacabka uu ku galay 11 Askari oo keliya, balse aanay jirin ciidan badan oo uu watay.

Like it? Share it!

Leave A Response