Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Gobolka Meru ee Kenya oo faqri galay, kadib markii la joojiyey qaadkii Soomaaliya

by admin | Tuesday, May 19, 2020 | 475 views

Gobolka Mero ee dalka Kenya oo Qaadka looga soo dhoofin jiray Soomaaliya ayaa faqri xoogan lugaha la galay, tan iyo markii ay dowladda federaalka ay joojisay qaadkii Soomaaliya uga imaan jiray dhinaca dalka dalka Kenya.

Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Meru oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa waxa ay uga soo horjeesteen xayiraada saaran Qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofin jireen oo la joojiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya labda dal.

Sidoo kale ganacsatada ayaa KA dalbaday dowladooda inay wax ka qabato arrintaasi, iyagoo sheegay in Qaadka la’aantiisa magaaladoodu ay ku noolaan doonto faqri xun.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu istaagay ganacsigii Qaadka ee xaafadda Islii oo ay Soomalida ay ku badan tahay, kadib markii lagu soo rogay banow saameeyey isku socodka xaafaddaasi.

Valueimpression Placeholder

Ugu damgbeyn isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee wadanka Kenya ayaa waxa ay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka ee loo soo gudbiyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa lacag fara badan waxa uu ka soo galaa Qaadka ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagi jiray maalin walba diyaarado sida Qaad fara badan oo laga keenayey gudaha dalkaasMagaalo ay ka taliyaan laba mamaul oo laba ilmo

Like it? Share it!

Leave A Response