Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo la Kala Diray.{AKHRISO:}

by admin | Saturday, Nov 17, 2018 | 842 views

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa  Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

War saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada looga arrimiyo maamulkaasi Puntland ayaa u qornaa sidatan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta

Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

  1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Like it? Share it!

Leave A Response