Golaha Dhaqanka Duubabka oo soo dhoweeyay Mooshinka lagala laabtay Madaxweynaha Hirshabelle

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 869 views

Golaha Dhaqanka ee Duubab Pluss gobolka Sh/dhexe ayaa soo dhoweeyay ka laabashadii ay xildhibaanada Hirshabelle ka laabteen mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha dhaqanka duubab Pluss ayaa waxa ay ku sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in dib looga laabto mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare maadaama xaalad adag ay ka jirto labada gobol ee Hirshabelle.

Duubabka dhaqanka ee maanta goobjooga ka ahaa kulankan ayaa waxaa kamid ahaa Suldhaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb,Guddoomiyaha Guud ee Duubab Plus Axmed Colow Beerey,Nabadoon Nuur Maxamed Geedi,Nabadoon Xasan Qaasim qeyley,Nabadoon Maxamuud Cismaan Yaacali iyo qaar kale.

Guud ahaan xubnihii ka hadlay kulankan ayaa waxaa ay sheegeen in xilligan bulshada Hirshabelle aysan u baahnayn dib u dhac kale oo ku yimaada balse loogaga fadhiyo xildhibaanada inaysan burbur horseedin.

Duubab Plus ayaa kahor inta aan si rasmi ah xalay loogu dhowaaqin in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinka waxa ay soo saareen baaq loogaga codsanayo xildhibaanada inay ka laabtaan mooshinka.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa mooshin ay ka geeyeen Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare xalay ku dhowaaqay inay dib ula laabteen.

Like it? Share it!

Leave A Response