GOLAHA SHACABKA OO MAANTA FADHI KA LEH XISAAB XIRKA MIISAANIYADDA DOWLADDA 2017.

by admin | Wednesday, Oct 10, 2018 | 894 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta oo ah Arbaco kuna beegan 10-ka bisha Octoober 2018 kulan yeelin kaga hadlaya Xisaab xirka Miisaaniyadda Dowladda sanadkii 2017-kii.

Sida ku cad Fariin Ballameedka Mudanayaasha kahor 24-ka kulanka ay maalintaas leeyihiin, Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay Ajendaha Maanta.

Guddiga Maaliyadda ayaa qorshuhu yahay in ay Golaha la wadaagaan Xisaab Celinta Miisaanadda Dowladda ay ku shaqeysay sanadkii tagay.

Golaha Shacabka ayaa intaa kadib la filayaa in ay dood ka yeeshaan Xildhibaanada, iyaga oo inta ugu badan la isweydiinayo halka ay ku baxday Lacagta Miisaaniyad ahaan baxday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulma Maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, halka Khamiista ay fadhi yeeshaan Guddiyada Joogta oo shirarkooda gaarka intooda badan ugu hadla Fadhiyada Guud iyo hagista Habraaca Golaha.

Golaha Shacabka ayaa hadda u muuqda in uu dar-dar gelin Xoogga ku wado ajendayaal Xildibaanada qaar ay sheegeen in dib udhac ku yimid Waqtigii uu jiray Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyihii hore ee Golahaan Xildhibaan Jawaari oo saameyay inta badan Kalfadhigii 3-aad.

Like it? Share it!

Leave A Response