Golaha shacabka oo mar kale maanta ka doodaya amniga Muqdisho

by admin | Tuesday, Sep 18, 2018 | 987 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeelanaya kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Xildhibaanada ayaa sii wadi doono doodii shalay ee ku saabsaneyd amniga guud ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan, sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is qoray.

Inta badan Xildhibaannada shalay hadlay ayaa aad u dhaliilay qorshaha xaqiijinta aniga Muqdisho,waxaana ay Xildhibaannada inta badan dowladda ku dhaliileen in aysan xaqiijin amniga Xildhibaannada.

Like it? Share it!

Leave A Response