Golaha Wasiirada ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Deni oo la dhaariyay

by admin | Wednesday, Jan 19, 2022 | 311 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, ayaa kala ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA

Like it? Share it!

Leave A Response