Goodax Barre “Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo”

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 375 views

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si kulul uga hadlay Wararka leysla dhexmarayo oo sheegaya in Dhalinyaradii tababarka Ciidanimo Dowladda Soomaaliya ugu dirtay Ereteriya lagu dilay dagaalkii Gobolka Tigreega Itoobiya.

Xildhibaanka oo qoraal muuqaal wata soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in ay tahay arrintaas mid mas’uuliyad darro ah oo walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida ayuu yiri” Goodax Barre.

Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo xalay Saqdii Dhexe la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa been abuur ku tilmaamay wararka la xiriira in dhalinyaro Soomaali ah lagu dilay dagaalkii Gobolka Tigreega, waxaana uu sheegay in Warkaas uu yahay mid siyaasadeeysan.

Like it? Share it!

Leave A Response