Goodax iyo Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo Beledweyne u tagay xalinta xiisada…

by admin | Tuesday, Jun 25, 2019 | 723 views

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyne.

Ujeedada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay xalinta xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyihi hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ka socda dowladda Federaalka ay la kulmi doonaan dhinacyada ku sugan Beledweyne sida Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha ammaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa markii u horeysay farageliyay xiisada ka taagneyd Beledweyne, waxaana shalay ay hareereeyeen Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, iyagoo ku amray in muddo 72 saac inuu uga baxo.

Yuusuf Dabageed ayaa horay uga horyimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Waarex waxaana ka dhashay banaan baxyo rabshado watay iyo isku dhacyo sababay inuu ku geeriyoodo Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response