Guddiga doorashada oo diiwaan galiyay Haweeneydii ugu horreysay oo u tartami doonta xilka madaxweynaha Soomaaliya

by admin | Monday, May 9, 2022 | 401 views

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqondoonta haweeneyda Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee u tartami doonta xilka madaxweyna Soomaaliya.

Fowsiyo ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaan galisay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha, iyadoo buuxisay dhamaan sharuudihii looga baahnaa.

Fowsiyo oo hadda ah xildhibaan katirsan barlamaanka aqalka hoose waxay sannadkii hore shaacisay inay u taagan tahay xilka madaxweynaha.

Waxay horey usoo noqotay Ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna sidoo kale muddo ka badan toban sano tahay xildhibaan katirsan golaha shacabka.

Waa siyaasad caan oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland, waxayna sidoo kale madax ka tahay xisbi siyaasadeed lagu macaabo UDP .

Ma jirto haweeney Soomaaliyeed oo xilka madaxweynaha horey ugusoo tartantay, waxaana la ogyahay inta badan haweenka hanku kaga jiro xilka madaxweynaha inay ku hari jireen marka la gaaro sharuudaha diiwaan galinta.

Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka ay ku guulaysatay sacdiyo Yaasiin Xaaji Salaad oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Like it? Share it!

Leave A Response