Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo sheegay in aan la joojineyn doorashada

by admin | Monday, Dec 6, 2021 | 417 views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in la sixi doono khaladaad kasta ee ka yimaada doorashooyinka socda ee Golaha Shacabka oo cabashada badan ka timid.
Guddoomiyaha oo Wareysi siiyay tv-ga Universal wuxuu sheegay in aan la hakineyn doorashada Golaha Hsacabka, balse lagu laaban doono kursi kasta ee aan marin habraaca rasmiga.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in baaritaano ay ku sameeyeen laba kursi oo kamid au kuwa lagu doortay Baydhabo kadib safar ay ku tageen ay go’aamiyeen in dib loogu laabto, kuwaas oo kala ah HOP#103 oo uu dacwad ka gudbiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo HOP154 oo dhawaan loo doortay Sareedo Maxamed Cabdalla.
Cabasho badan ayaa ka timid doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo, iyada oo kuraasta qaar doorashadooda lagu laabanayo.
Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha oo maalmihii la soo dhaafay ka qeylo dhaaminayay sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka ayaa dalbaday in la joojiyo doorashada balse Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay sheegeen in aan la joonineyn.

Like it? Share it!

Leave A Response