Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aqbalay kala diristii Ra’iisul Wasaaraha

by admin | Monday, May 30, 2022 | 482 views

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa marka hore u mahadceliyay Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay.
Sidoo kale hagistiisii iyo iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.
Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.
Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.
Gabogabadii waxaan Soomaaliya u rajeynaynaa inay abuurto hannaan doorasho uu shacabka u dhaweynaya dhabbaha rasmiga ah ee ay ku dooran karaan cidda ku metalaysa golashaasha dowladda heerarkeeda kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response