Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo Maanta Go’aano soo saaraya

by admin | Sunday, Oct 13, 2019 | 577 views

Maanta oo Axad ayaa la filayaa in Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Guddiyadda & Guddoonka ee Villa Hargaysa ku ueeshaan kulankooda 1aad ee Kalfadhiga 6aad.

Ajandaha kulanka Maanta ayaa ah dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan Furmay.

Kulankooda kadib ayaa la filayaa in Xubnaha Guddiga joogtada ay soo saaraan ajendayaasha ugu soo horeeya ee kal-fadhiga 6aad ee golaha Shacabka.

Badi Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay xilligaan u dheg taagayaan go’aanada ay qaadan doonaan xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya maadaama xilligaan dalka ay ka jiraan mowjado siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo

Like it? Share it!

Leave A Response