Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dadaban oo soo saaray war

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 354 views

Qoraal maanta ka soo baxay guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ee lagu muransan yahay walina ay ka maqan yihiin xubnihii qaban lahaa doorashooyinka Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay.

Warka kasoo baxay Guddiga ayaan sidaan u qornaa:

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed eeMadaxda labada heer ay ku gaareen mag aalada Muqdisho 17kii Sebteembar

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan.

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  1. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  2. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  1. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  1. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacda.

Guddiggaan ayaa horay waxaa u diiday dhammaan Musharaxiinta xilka Madaxtinimada Soomaaliya , waxaana ay ku eedeeyeen in aysan dhexdhexaad aheyn.

 

Like it? Share it!

Leave A Response