Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xalinta khilaafaadka oo la Magacaabay

by admin | Tuesday, Jan 18, 2022 | 431 views

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Guddigaas.

Guddiga la magacaabay oo ka kooban 5 Xubnood ayaa laga soo xulay guddiga dhexdiisa, waxaana ay ka  Shaqeyn doonaan qabashada doorashada guddoomiyaha Gudsiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Guddiga xalinta khilaafaadka Heer Federaal ayaa ugu baaqay Guddiga la Magacaabay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa 18-kii Bishii Decembar ee sanadkii la soo dhaafay ee 2021 waxaa uu Shaqada k Eryay 7 Xubnood oo uu kujiray guddoomiyaha Gudsiga xalinta khilaafaadka, isaga oo ku eedeeyay inay lumiyeen madax banaanidii guddiga, isla markaana ay baal mareen Xeerka anshaxa doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response