Guddigii loo xil saaray baaritaanka weerarkii Hoyga Nabaddoon Yaasiin ee Gaalkacyo oo Natiijo soo saaray

by admin | Tuesday, Jun 28, 2022 | 328 views

Xubnaha Guddiga Guddiga ee loo xil saaray baaritaanka weerarkii Hoyga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee Magaalada Gaalkacyo ku qaadeen Ciidamo katirsan Puntland, xilli uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Natiijo soo saaray.

Guddiga ayaa Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u gudbiyay Natiijada ka soo baxday Baaritaankoodii, iyaga oo soo bandhigay Khasaaraha ka dhashay dhacdadaas iyo cidda mas’uuliyadeeda leh, waxaana ay sheegeen in dhacdadaas ay uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka PSF ee ilaalinayay goobta, halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) iyo askari kale oo ka tirsan PSF.

Xubnaha Guddiga ayaa ku taliyay in Xukuumadda Puntland ay bixiso Khasaarihii meeshaas ka dhacay naf iyo maalba, islamarkaana Raalli-gelin siiso dadkii waxyeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dhibaatadii halkaas ka dhacday ay mas’uul ka yihiin, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee dhaawacan, G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac Koomaad iyo Taliyaha Saldhiga Siinaay ee magaalada Gaalkacyo, Laba Xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa laga sugayaa jawaabta natiijada kasoo baxday baaritaanka weerarkii lagu qaaday Guriga uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response