Guddigii loo xil saaray xalinta khilaafka Somalia & Kenya oo War soo saaray

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 335 views

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir la yeeshay waftiga Djibouti ee IGAD ay u xil saartey xal-u-helidda khilaafka diblomaasiyaddeed ee dhex yaalla Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ayaa madaxweynaha u gudbiyey warbixin ka warrameysa xaaladda ammaanka ee ka jirta soohdinta u dhaxeysa dalalka Soomaalia iyo Kenya, oo ay booqdeen.

Danjiraha Jabuuti ee Kenya Yaasiin Cilmi Buux oo Guddiga Hogaaminaya ayaa sheegay inay tageen Goobaha Xaduudaha we u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay u qiimeeyaan xaalada meesha kajirta.

Waxaa uu sheegay inay la kulmeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Xaduudka ku sugan, kuwa Kenya iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM si ay u xaqiijiyaan cabashada dowladda Soomaaliya ee ah in Dowladda Kenya ay maleeshiyaad hubeyneyso si ay u weeraraan degmada Beledxaawo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay yimaadeen madaxda Dowladda, isla markaana ay kala hadleen arrimaha xalinta khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo gaaray in Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay xiriirka u jarto dowladda Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response