Guddoomiyaha Baarlamaanka DDSI oo sheegay in aysan ka warheyn xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar

by admin | Saturday, Aug 4, 2018 | 1481 views

Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya wararka naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay la wareegeen TV-ga Maamulka iyo Xarun lagu magacaabo Qaryaan Dhoodaan iyo meelo kale oo xarumaha Maamulka ah.

Maxamed Rashiid Isaaq,Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Milatariga Federaalka Itoobiya ay la wareegeen Xarumaha Maamulka sidoo kalena aysan garaneyn Sababta,waxaa kale oo uu sheegay in aysan ogeyn xaaladda uu ku suganyahay Madaxweynaha dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Qof degaanka ayaa xaaladda saaka ee Jigjiga ku sifeeyay Afgambi Milatariga Federaalka Itoobiya ku sameeyeen Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Warar saacadigii hore ay qoreen Warbaahinta Itoobiya ayaa lagu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu Ciidamada Liyuu Booliska u diray magaalada Dirir-dhaba oo uu ka furmi lahaa shir isaga ka dhan ah islamarkaana looga hadlayay aayaha Dowlad Degaanka.

Dowladda Federaalka ah ayaa Cabdi Maxamuud Cumar ugu yeertay Adis ababa,waana uu diiday,taas oo sababtay in Ciidamo Milatari ah la wareegaan Xarumaha Maamulka.

Like it? Share it!

Leave A Response