Guddoomiyaha bangiga dhexe oo faahfaahiyay lacagta cusub ee lasoo daabici doona

by admin | Tuesday, Jun 12, 2018 | 1104 views

Bashiir Ciise Cali  oo ah Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay lacagtii dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lasoo daabici doona.

Waxaa uu sheegay in uu socdo Qorshaha ay dowladda Soomaaliya ay kusoo daabaceyso Shilin Soomaaliga cusub.

“Daabacaadda lacagtaan ayaa waxaa ku bixidoonto lacag dhan $41 milyan oo dollar, kharashkaas markii aan helno ayaan daabicidoonaa” ayuu yiri mudane Bashiir Ciise Cali.

Wasiirka maaliyadda Federaalka ayaa Sabtidii shir jaraa’id ku soo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000, lacagtan waxaa ay noqon karta midda ugu wanagsan ee ay Soomaaliya yeelato, sida u  xaqiijiyay Bashiir Ciise , guddoomiyaha bangiga dhexe oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.

“Si loo helo lacag cusub dowladda waxaa ay u gashay dadaal, waxayna soo martay marxaladdo kala duwan, hadda oo la joogo wajigii u dambeeyay ee daabacadda ayay mareysa, waxaa marka hore la daabici doonna 5,000 iyo 10,000 oo shilin.”ayuu yiri guddoomiyaha bangiga dhexe

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada ay heshiis ku gaareen in la dhaqan galiyo lacagtaan oo si toos ah uga hir-gasho dhammaan gobolada dalka Soomaaliya. Waxaana la rajeynayaa ayuu yiri guddoomiyaha in mustaqbalka lagu soo biirindoono 20,000 iyo 50,000 shillin si ay u sahlanaato isticmaalka shillinka Soomaaliga, loogana maarmo isticmaalka $ doolarka.

Bashiir Ciise Cali ayaa sidoo kale sheegay “Aad iyo aad ayeey u adagtahay in lacagtaan dib loo daaboco. Qofkii isku daya, waxaa uga bixidoona dhaqaalo baddan oo marna uusan faa’iido ka helidoonin

Like it? Share it!

Leave A Response