Guddoomiyaha Cusub ee G/Hiiraan oo bil kadib Shaqa bilaabay

by admin | Thursday, Jul 11, 2019 | 730 views

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Magacaaban ee gobolka Hiiraan, kaas oo aan xilka weli la wareegin ayaa Maanta markii ugu horeysay waxaa uu ka Shaqa bilaabay qeybo ka mid ah xafiisyada Maamulka gobolka Hiiraan.

Cali Muxumed Caraale oo ay garab fdhiyeen qaar ka mid ah kuxigeenadiisa ayaa waxaa ay sheegeen in xaalada Magalada Baladweyne ay tahay mid degan,isla markaana ay sirasmi ah Xarunta Maamulka uga bilaabeen Shaqooyinkoodii.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale oo  Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Maamulka ayaa sheegay in markii ugu horeysay 34 Maalin kadib uu ku sugan yahay Xarunta uu ku Shaqeeyo Maamulka G/Hiiraan, isla markaana Shacabka ay u furan yihiin xafiisyada.

Waxaa uu dhinaca kale soo hadal qaaday khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii gudoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), waxaana uu sheegay in xilka uu yahay meerto qofna laga qaadi karo qofna loo dhiibi karo.

Like it? Share it!

Leave A Response