Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari oo Isimada kala hadlay Arrinta Boosaaso

by admin | Monday, Jan 17, 2022 | 366 views

Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari uu dhawaan u Magacaabay Madaxweynaha Puntland ee Cabdirisaaq Cali Yare Shahdoon & Isimada Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii wadajir looga shaqayn lahaa amniga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo meelmarinta Qodobadii ay soo saareen Isimada ee la xiriiray Arrimaha Amniga & dejinta xiisadii ka dhalatay khilaafka Xukuumadda Puntland & Taliska Hay’adda PSF.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Yare Shahdoon ayaa uga mahad celiyay Isimada Gobolka sida ay uga Shaqeeyeen sidii Bulshada Reer Boosaaso ugu noolaan lahaayeen Amni  iyo doorkii weeynaa oo ay ka qaateen joojinta dagaalkii Xukuumadda & Ciidamada PSF.

Isimada ayaa dhankooda waxaa ay ugu baaween Guddoomiyaha Gobolka Bari in uu ka qeyb qaato isku soo dhaweynta Bulshada Gobolka iyo dhaqan gelinta go’aanadii ay soo saareen Isimada walow Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni weli ka hadlin go’aanaddaas.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aheys mid degan, waxaana Boosaasi ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response