Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo maanta la caleema saarayo

by admin | Thursday, May 10, 2018 | 1496 views

Munaasibad lagu caleema saarayo guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan Golaha shacabka.
Mursal ayaa la doortay 30kii April,waxaana uu beddelay Maxamed Sh.Cismaan Jawaari kaas oo xilka horay ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay isaga oo aan la caleema saarin,waxaana uu xarigga ka jaray dib u dhiska xarunta Golaha shacabka.
Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa si ku meel gaar ah ugu shaqeynaya Xarunta Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka ee loo yaqaan Villa Hargeysa.

Dib u dayactirka Xarunta Golaha shacabka oo ay sameyneyso Hay’adda TIKA ee dalka Turkiga ayaa la filayaa marka ay dhamaato in Golaha shacabka ay xaruntooda ku laabtaan.
Munaasibadda Caleemasaarka ayaa waxaa ka qeybgelaya xubnaha Golaha shacabka,madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti geli oo lagu casuumay.

Like it? Share it!

Leave A Response