Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

by admin | Saturday, Jul 24, 2021 | 379 views

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT ee Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed “Cirro” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga.

Ujeedka booqashada waftdigan ee magaalad Kismaay ayaa ah arrimo la xiriira qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland.

Wafdiga ka socda Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cirro ayaa ah markii ugu horeysay ee u gaaro mid kamid ah maamulada dalka oo lagu wado inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in uu noqonayo maamulkii ugu horeeyay ee ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare,iyadoo hore loo qorsheeyay inay dhacdo 25ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah.

Like it? Share it!

Leave A Response