Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu abuuray khilaaf si doorasho looga baaqsado.

by admin | Monday, Jun 10, 2024 | 18 views

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay waajib tahay in lagula xisaabtamo dambiyada ka dhacay Somaliland muddadii uu xilka hayay.

Xirsi oo ka hadlay munaasibad habeenimadii Axadda ka dhacday magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi, “Caawa dambiilaha ugu horreeya ee u baahan in lala xisaabtamo waa Biixi, wixii dalka ka dhacay iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay waa in lala xisaabtamaa.

Waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu ka baxay heshiis ay Odayaasha Bariga Burco ku heshiiyeen oo ay u sahleen jabhado fadhigoodu yahay buuraleyda Gan-libaax, si colaad looga abuuro, loogana fogaado doorasho.

“Waxaanu leenahay dadku way idin arkaan oo doorasho ayay sugayaan, waxaad ku hadlaysaanna maaha, laakiin heshiiska masuuliyiinta waanu ixtiraamaynaa,” ayuu yidhi Xirsi.

Gudoomiyuhu waxa uu u jawaabay Madaxweyne Biixi, oo Sabtidii sheegay in xubnaha fallaagada ah ee fadhigoodu yahay buuralayda Gan-libaax ee sannadkii hore askar boolis ah ku laayey weerar lagu qaadayo sharciga la horgeyn doono.

Hase-yeeshee, Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku nuux-nuux saday inuu ka shaqayn doono midaynta bulshada Somaliland haddii uu ku guulaysto doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response