Guddoomiye Dhedo oo digniin u diray dhalinyarada dhaca ka geysata Bari

by admin | Monday, Oct 22, 2018 | 772 views

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal loo geysanayay dadka shacabka ah iyo ciidamada ka tirsan Puntland ayaa goobaha qaar waxaa la sheegay in la soo dhigay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya ammaanka.

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka dhaca in dhalinyaro hubeysan ay dhac u geystaan dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa wuxuu sheegay falalkii dhacay inaanay jirin mid aan raad laheyn, islamarkaana hada ay ku guda jiraan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen jawaabta falalkii dhacay.

Waalidiinta dhalinyarada dhaca geysanaysa ayuu ugu baaqay in caruurtooda ay ka celiyaan falalka burcadnimada, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay bilaabi doonaan hawlgal ay ku beegsanayaan dhalinyaradaasi.

“Dhawaan waxaan bilaabi doonaa hawlgal aan ku beegsaneyno dhalinyarada dhaca geysaneysa, waalidiinta waxaan uga digeynaa inay caruurtooda ceshtaan, hadii aan dhalinyaro hawlgal ku soo qabano oo dambi lagu helo sharciga ayaan horgeyn doonaa”. ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari oo la hadlayay VOA-da.

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen hawlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaan, kadib markii shacabka ay dareemeen falal ka baxsan ammaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response