Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen deegaan ka tirsan degmada Balcad oo la diley

by admin | Wednesday, Nov 13, 2019 | 630 views

Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Cadayga ee ka tirsan degmada Balcad ee ayaa xalay lagu diley deegaankaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabley hubeysan ay xalay ka kaxeysteen guddoomiyaha tuulada Cadeyga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan tuulada kadibna ay ku toogteen duleedka deegaankaas.

Dadka ku nool deegaanka Cadeyga oo ku dhow deegaanka Qalimow ayaa aad uga naxay falkan lagu diley guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenka deegaankaas.

Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, mana jirto war ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response